4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2019
Madaxweyne Biixi oo soo xidhay wejigii labaad ee Barnaamijka carbiska dhallinyarada ee Shaqo Qaran


Axad, May 26, 2019 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta soo xdihay wejiga koowaad ee barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo saddex bilood ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda uu madaxweynuhu kusoo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar kamid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamujka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgarad, iyo haldoor kale.

Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka), ayaa ka hadlay faaiidadda uu leeyahay barnaamijkani waxa uu yidhi “Waxa aan si kalsooni ku jirto halkan uga sheegayaa in muddadii barnaamujka shaqo qaran socday si mug leh loo gaadhay himilooyinkii la higsanayey oo ay ugu mudnaayeen is-dhexgalka, isu kal-samaanta iyo is-weheshiga dhallinyarada Somaliland, waxa bislaaday ilaa heer wacyiga iyo aqoonta dhallinyarada ee dhinacyada sooyaalka taariikheed, dhaqameed, dhaqaale, bulshadeed iyo Juquraafiga dalka Somaliland, waxana abuurmay dareen waddaniyadeed iyo mid sharci, waxana dhismay garaadkii iyo caafimaadkii jidh ahaaneed ee dhallinyada.”

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madasha lagu soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey mashruucan, waxana ay tilmaameen inuu barnaamujkani tusaale u yahay sida ay Somaliland iskeed u qabsan karto wax kasta oo ay u aragto inay horumarin karaan dadkeeda iyo dawladnimadeeda.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo taxay ujeeddooyinka iyo natiijooyinka laga doonayo barnaamujka qaran ee shaqo qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqo qaran waa xarunta aynu doonaynno inuu caqliga Somaliland ka shaqeeyo oo uu hore u mariyo, shaqo qaran waxa aynnu ka rabnaa inay dadku noqdaan qaar If iyo Aakhiroba wax taransada, shaqo qaran waxaynu doonaynaa inay dadku ka helaan waajibka uu qaranku ku leeyahay, isagana uu qaranku ka helo xuquuqda qaranku ka rabo, ujeeddada aynnu shaqo qaran u Aas-aasnayna waa tabobar maskaxeed iyo mid jidheed.”

Waxaanu intaas ku daray“Waxa aan cod dheer cid walba ugu sheegayaa inay Barnaamujka shaqo qaran maanta u dareereen iyaga oo guutooyin xoog leh sidii ay dalkooda hore ugu marin lahaayeen ee ay mutadawacnimo ugu shaqayn lahaayeen, gobollada oo dhan, cadowgu haka naxo Somaliland-na haku faraxdo,”

Dhallinyaradan ayaa haatan wixii ka dambeeya geli doonta wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, kaas oo noqon doona carbis shaqo (Internship) iyo adeeg bulsho (Social Service) is barkan, waxana ay muddada wejigan labaad ay noqon doontaa 9-10 (Sagaal ilaa toban) bilood.

Dhallinyaradda shaqo qaran, waxay si madax banaan iskugu qoreen qof waliba meesha uu doonayo inuu ka shaqeeyo ama uu cilmigeeda soo bartay, waxaana wasaarada waxbarashadda lagu qoray 713 dhallinyaro oo wiilal iyo hablaba iskugu jira, wasaaradda Caafimaadka 313 wiilal iyo hablaba iskugu jira, wasaarada shaqo galinta iyo arrimaha bulshadda 29 qof baa lagu qoray, wasaaradda Beeraha 95 qof baa lagu qoray, wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, lagu qoray 26 dhallinyaro ah, wasaarada Tamarta iyo macdanta waxa isku qoray 11 dhalinyaro ah oo cilmigaasi soo bartay, wasaaradda cadaalada waxa lagu qoray 15 dhallinyaro ah, wasaaradda xoolaha iyo Kalluumaysiga waxa lagu qoray 52 qof, wasaarada Arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee dalka waxa lagu qoray 33 dhalinyaro ah, Ciidanka Badda waxa lagu qoray 10 dhalinyaro ah oo bartay cilmiga Badaha, iyo sidoo kale, 120 dalbaday inay ku biiraan ciidamada kala duwan ee dalka.

Sidoo kale, waxay shirkadda shiidaalka sifaysa oo dhowaan laga furey magaaladda Berbera sheegtay inay qaadanayso 400 oo dhalinyaradan ka mid ah oo lagu soo tobabari doonno dalka shiinaha muddo laba sanno ah.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shahaado sharaf guddoonsiiyey agaasimaha Barnaamujka shaqo qaran, taas oo ka markhaati ah sida xilkasnimada leh ee uu uga midho dhaliyey barnaamujka shaqo qaran ee loo xilsaaray oo ka mid ah himilooyinka waaweyn ee madaxweynaha qaranka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.