4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2019
Garabka Galmudug ee Cadaado oo taageeray go’aankii ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha

 

Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Garabka Galmudug ee fadhigoodu yahay degmada Cadaado ayaa soo dhaweeyay go’aankii maalintii shalay ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ee la xiriira hab raaca doorashooyinka dowlad gobolleedyada.

Cali Gacal Casir oo ah guddoomiyaha baarlamaanka garabka Cadaado ayaa warbaahinta u sheegay in ku ay yeesheen lagu taageeray go’aankaas xukuumadda , isla markaana bayaan wadajir ah ay uga hadlayaan xaalada Galmudug soo saareen.

Wuxuu sheegay in doorashada Galmudug ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyay oo ay horay ugu heshiiyeen dhinacyada wada dhistay Galmudug.

“Doorashada Madaxweynaha Galmudug waxaa la qabanayaa 4-ta bisha July 2019, ka hor waa in la soo doorto Xubnaha Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug”ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Dhinaca kale maamul gobolleedka Puntland ayuu ku eedeeyay in ay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha Galmudug, ayna ka shaqeynayaan ficilo kala fogeynaya saamileyda Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa labadaba fadhigooda yahay Cadaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]