3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2019
Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay dalka Shiinaha


Axad, May, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni oo soo gebagebeeyey safarkiisii gobolka Mudug ayaa safar shaqo maanta ugu amba baxay dalka Shiinaha, isagoo ku horreyna magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa ku dheraaday arrimaha muhiim ka ah ee uu daaran yahay socdaalka isaga iyo wwafdigiisa  ee dalka Shiinaha, waxaana uu xusay in dalkaasi ay u tegidoonaan iskaashi ganacsi.

"Waxaan maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Shiinaha aniga iyo wafdiga Wasiirro ka kooban oo ila socda, safarkaasi waa safar ka kooban sidii wax wadaqabsi noo dhexmarilahaa gobol kamida gobolada Shiinaha ee dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kala faa'iidaysiga khibradaha ee dhismayaasha wershedaha iyo xoojinta xidhiidhka ganacsi ee naga dhexeeya."

"Waxaan rajaynaynaa muddadaas aan joogno inaan aragtiyo fiican kala soonoqondoono, Iyagana aan u sharixidoono fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Puntland ay leedahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in dalalka ka qayb-qaata koboceena dhaqaale inay yimaadaan dalkeena, iyagoo usoo maraaya sharciga iyo nidaamka dowliga ah, Dowladda Puntland waxay balanqaadysaa dhankeeda inay fududayso waxkasta oo horumarka ka qayb-qaadanaya". ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale,Madaxweynaha Puntland ayaa u beyaamiyey dalalka saaxiib ka dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee dhinacyada ganacsiga inay kasoo qayb galaan shirka maalgashiga Puntland oo dhowaan Puntland lagu qabandoono.

"Waxaanu Sidoo kale jecelnahay inaan ugu yeedhno iyaga iyo waddamadii hore aan u tagnayba shirka maalgashiga ee Puntland ka dhicidoona oo aan rabno khayraadka dihin ee dalkani leeyahay inay maalgashtaan, sida kalluumaysiga, macdanta, beeyada iyo waxyaabaha la xiriira wax soo-saarkeena". ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Wafdiga madxaweynaha ayaa waxaa garoonka diyaarada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, mas'uuliyiin ka tirsan goleyaasha maamulka iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Putland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
5/26/2019 5:16 PM EST
Axad, May 26, 2019 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta soo xdihay wejiga koowaad ee barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo saddex bilood ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

5/26/2019 3:16 PM EST
Barakacayaasha ku sugan Qollaji oo katirsan Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta lagaarsiiyay deeq raashin oo noocyadiisa kala duwan isugu jira.

5/26/2019 1:26 PM EST
Axad, May, 26, 2019 (HOL)- Dawladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sheegtay in ay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo muujinaysay khaladaad.

5/26/2019 1:19 PM EST
Axad, May 26, 2019 (HOL)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta soo xdihay wejiga koowaad ee barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo saddex bilood ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

5/26/2019 8:42 AM EST
Axad, May, 26, 2019 (HOL)-Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ku biiray maamul gobolleedyada dalka qaarkood ee ka hor yimid go'aankii dowladda Soomaaliya ee habraaca doorashooyinka dowlad gobolleedyada,

5/26/2019 5:15 AM EST
Axad, May, 26, 2019 (HOL)-Kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay soo saartay habraaca Guud ee doorashada Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa kasoo horjeestay Maamulka Hir-Shabeelle oo noqday Maamulkii labaad ee qaadaca.

5/26/2019 4:41 AM EST
Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Feysal Cumar Guuled ayaa kulan wacyigilin ah u sameyay qaar kamid ah ardeyda fasallada 4-aad ee dugsiyada sare ee magaalada muqdisho.

5/26/2019 4:02 AM EST
Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Haweenaydii u horreysay oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa guddoomiye degmo ka noqotay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

5/26/2019 3:46 AM EST
Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay taliska qeybta booliska ee gobolka Mudug.

5/26/2019 3:26 AM EST
Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Garabka Galmudug ee fadhigoodu yahay degmada Cadaado ayaa soo dhaweeyay go’aankii maalintii shalay ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ee la xiriira hab raaca doorashooyinka dowlad gobolleedyada.

5/26/2019 3:18 AM EST
Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Maamul gobolleedka Galmudug ayaa qaadacay go’aan maalintii shalay ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo la xiriiray habraaca doorashooyinka dowlad gobolleedyada.

5/26/2019 1:32 AM EST
Axad, May, 26, 2019 (HOL) –Warar naga soo gaaraya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqaani.