Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug


Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay taliska qeybta booliska ee gobolka Mudug.

newsinsideWareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa G/Sare Jaamac Maxamed Axmed loogu magacaabay taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Mudug .

Magacaabiista taliyaha cusub ee qeybta booliska ayaa ku soo aadday xilli madaxweynaha Puntland uu isbeddel ku sameeyay maamulka gobolka Mudug iyo garsoorka gobolka.

Madaxweyne Deni, ayaa horey u ballanqaaday in maamulka uu ka shaqeyn doono xoojinta xasilloonida iyo horumarinta gobolka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]