4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2019
Haweenay Soomaaliyeed oo loo doortay guddoomiyaha degmo ka tirsan London

Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Haweenaydii u horreysay oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa guddoomiye degmo ka noqotay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Raaqiya Ismaacil oo xilka guddoomiyaha degmada ee Islington kula tartantay labo musharrax ayaa ugu dambeyn xilka ku guuleysatay,iyadoo hore u soo noqotey guddoomiye kuxigeenka degmada sannadkii 2012kii ayaa wakhtigan ayaadoo ah haweenay muslim ah oo xijaaban, soogalooti dhalashada dalka Britain haysata ah ayaa loo doortey xilka mayor-nimada.

Mar ay la hadleysay bulshada Soomaalida ayay  sheegtay in loo baahanyahay qof walba inay muhiimtahay hankiisa inuu usoo bandhigo oo ay xubno ka noqdaan asxaabta siyaasadda.

"Wax weyn ayay ii tahay anniga iyo bulshada Soomaalidaba xilkan la ii doortay". ayay u sheegtay VOA-da.

Raaqiya ayaa ka mid noqonaysa tiro Soomaali ah oo dalalka reer galbeedka siyaasadoodda door ku leh xilal sarrana loo doortay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]