4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2019
Galmudug oo ka hortimid go’aankii ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha ee doorashooyinka

 

Axad, May, 26, 2019 (HOL) – Maamul gobolleedka Galmudug ayaa qaadacay go’aan maalintii shalay ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo la xiriiray habraaca doorashooyinka dowlad gobolleedyada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Burhaan Maxamed Samatar ayaa sheegay in aan lagala tashan Warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Galmudug ee ku saabsan doorashooyinka.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday war ka soo baxay xalay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee garabka Cadaado Cali Gacal Casir ee ahaa in doorashada madaxweynaha Galmudug ay dhici doontaa Afarta Bisha July ee Sanadkan., waxaana uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay meesha ka saartay awoodii doorashooyinka ku lahaayeen dowlad goboleedyada.

Wasiir Burhaan ayaa sheegay in xilliga doorashada Galmudug ay ka dhaceyso ay ku qoran tahay dastuurka Galmudug iyo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna ee dalka Jabuuti.

Galmudug ayaa noqoneysa maamul gobolleedkii ugu horeeyay ee durbaba qaadaca go’aankii ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]