4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2019
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya : Waxaan xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo

Jimco, Janaayo, 25, 2019 (HOL) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahisay shirka London ee lagu soo bandhigayo kheyradka shidaalka Soomaaliya,iyadoo shirka ay ka qaybgalayaan wasaaradda,xubnaha dawlad gobolleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka.

"Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka". ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda Batroolka iyo Macdanta  oo inta ku daray "Waxna kama jiraan in shirka lagu xaraashaayo xirmooyin (Blocks)."

Hoos ka akhri war-saxaafadeedka;

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo gudanayasa waajibaadkeeda shaqo ee loo igmaday waxay ku hawlan tahay hergalinta iyo dhamaystirka hal beegyo iyo hawlo muhiim u ah ka faa’idaysiga kheyraadka Batroolka Iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed waxay Wasaaraddu u xaqiijineysaa ummadda Soomaaliyeed inay u
taagan tahay ilaalinta ammaanadaas weyn ee loo xil saaray iyo dhowrista dhammaan shuruucda lagu maamulayo. Waxay kaloo wasaaraddu u xil saaran tahay in ay ku soo xirto Soomaaliya maalgashadayaal caalami ah oo u maalgashta kheyraatkeenna Batroolka sida ummadda Soomaaliyeed danta ugu jirto, waafaqsanna xeerarka dalka iyo heshiiskii ay wada gaareen dawladda Federaaka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah oo lagu caddeeyey lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, iyadoo taas laga duulayo, ayay wasaaraddu qaban qaabisay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka.

Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka, waxna kama jiraan in shirka lagu xaraashaayo xirmooyin (Blocks).Haddaba Ummadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa in si loo bixiyo shati ama rukhsad shidaal qodis (Licence) ay qaadaneyso wadahadal dheer oo soconaya ku dhowaad sannad, si daahfuranna ay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ula socon doonto.
Sidoo kale markii rukhsadda la bixiyo si hawl gallada qodista iyo horumarintiisaba looga miro dhaliyo ay qaadaneyso wax ka badan 5 sano.

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo wasaaraddana ay gudaneyso waajibaadkeeda si ay ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manbeystay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]