4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2019
Garoowe oo la ciirciireysa marti-galinta siyaasiyiintii ugu badneyd Abid oo kala socda dowladda dhexe iyo Mucaaradka


Jimco, Janaayo, 25, 2019 (HOL) –Magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland waxaa saacadihii ugu danbeeyay tagay siyaasiyiintii ugu badneyd Abid oo kala socda dowladda dhexe iyo Xisbiyada mucaaradka kuwaa oo la filayo in ay maalinta berri ka wada qeyb gallaan munaasabada calleemo saarka hoggaanka cusub ee Puntland.

Dhinaca dowladda waxaa ku sugan magaalada Wafdi ballaran oo ka kala socda Labada Aqal ee baarlamaanka oo kala hoggaaniyaan guddoomiye Golaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ku sugan magaalada Garoowe madaxda maamul gobolleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo aan isku mowqif ka aheyn dhamaantood marka la eego sida loo wajahayo siyaasada iyo xiriirka dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Tusaale ahaa madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Jubbbaland iyo Galmudug kama aysan qeyb galin calleemo saarkii ugu danbeeyay ee madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xassan Lafta-Gareen ee ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay ku kala aragti duwan yihiin  siyaasada iyo wada shaqaeynta Dowladda dhexe.

Waxaa kaloo ka mid ah mas’uuliyiintii maanta Garoowe lagu soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Maalinta berri ah oo la filayo in la qabto munaasabada calleemo saarka hoggaanka cusub ee Puntland ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Garoowe madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ka socda beesha caalamka.

Dadka intiisa badan ayaa u arka waxa ka socda magaalada Garoowe ‘’ Dhuula-Tus Siyaasadeed’’ iyo loolan u dhaxeeya dowladda dhexe iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo dhinac walba uu doonayo in uu soo jiito hoggaanka cusub ee Puntland oo aan wali la ogeyn mowqifkooda la xiriira wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo jiritaanka Isbaheysiga dowlad gobolleedyada oo ay hadda ku sii harsan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Galmudug marka laga reebo maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo wada sheqyn dhaw la leh dowladda dhexe ee federaalka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda dhexe mar walba diyaar u tahay wada shaqeyn dhaw oo ay la yeelato dowlad gobolleedyada dalka, gaar ahaan waxaa uu baaq u diray hoggaanka cusub ee loo doortay maamullada Koonfur Galbeed iyo Puntland oo uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya xukuumadda federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]