Jimco, Janaayo, 25, 2019 (HOL)-Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la gaartay Laba Garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, taas oo Af-jaraysa colaad iyo gadood Hubeysan oo Bilooyin ka taagnaa qaybo ka mid ah dalkaas, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA.
Jabhadahan oo kala ah, Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation
Front (OLF) ayaa Khamiistii Shalay heshiis la saxiixday Is-bahaysiga
haya talada Dalka Itoobiya, ka dib shir dib u heshiisiin ah oo
Talaadadii Todobaadkan ka dhacay Addis ababa.
Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah
Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska
ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horayna ay uga soconayaan wixii
dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo
falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka
taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya.
Kulanka ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 71 xubnood oo
loogu talagalay inay ka shaqeeyaan daba galka howlaha Hub ka dhigista,
Qaramaynta Malleeshiyada Jabhadda OLF iyo dhammaystirka dhammaan
qodobadii lagu heshiiyay.
Heshiiskan, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Oromiya, Oday dhaqameedyo, Culimaa’udiin kala duwan, aqoon yahanno, dhalinyaro iyo wakiillo siyaasadeed.
Waxaa Bilihii aynu soo dhaafnay Galbeedka Oromiya ka soconayay
dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dawladda Itoobiya iyo Jabhada OLF , taas
oo ay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay ka saartay
Liiska Ururrada loogu yeeri jiray argagixisada ee Dalka Itoobiya.