4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2019
Dab xalay saqdii dhexe qabsaday Suuqa weyn ee degmada Wadajir

 

Jimco, Janaayo, 25, 2019 (HOL)-Dabkan oo burburay qeybo ka mid ah suuqa ugu weyn degmada Wadajir ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in la damiyo sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha ciidamada.

Saraakiisha ayaa sheegay in markii uu dabku kacay gurmad deg deg ah ka heleen kooxaha gurmadka, gaar ahaan shirkadda Hormuud.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dabkani uu geystay, hasse ahaatee waxaa ay saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada intaba sheegeen in uu bur buriyay goobo ganacsi oo hanta badanni tiilay, laakiin aan wali si rasmi ah loo ogaan inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Taliyaha Saldhig Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in baaritano lagu sameyn doono waxyaabaha soo celceliyay gubashadda Suuqyadda Muqdisho, islamaraana la xisaabtami doonaan Shirkaddaha Korontada.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu si aad ah ugu mahadcelinaayo Kooxaha gurmadka deg dega ah oo ay ku horreyso Shirkadda oo Hormuud oo dadaal badan ku bixiyay in dabka uusan gaarin Goobo kale oo ka mid ah Suuqa.

Dabkan ayaa imanaya wax ka yar labo todobaad markii uu sida kale dab weyn oo baaxda leh qabsaday Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu waaweyn guud ahaan marka la eego geeska Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]