4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2019
Askar ka tirsan ciidamada dowlad gobolleedka Jubbaland oo Qarax miino lagu dilay

 

Jimco, Janaayo, 25, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijinayo ilaa Sideed askari ayaa geeriyootay kadib markii maanta barqadii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland.

Gaari ay  la socdeen ciidamadan oo marayay inta u dhaxaysa  magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose, ayaa lagu waramayaa in lagu weeraray Qarax miino oo gabi ahaanba bur buriyay gaariga ay la socdeen ciidamada.

Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qeyb qaadanayay xaqiijinta amaanka Dhoobleey mudadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno uu hoggaaminayay oo maalmahaan kulamo ku aadan arrimaha ammaanka iyo doorashada Jubaland la qaadanayay bulshada ku nool Dhoobleey.

Saraakiisha amaanka Jubaland ee aagga Afmadow oo ay VOA la xiriirtay  ayaa ka goobsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan qaraxa miino ee maanta  lala beegsaday ciidamadooda.

Inta badan dhulka bannaanka ka aha magaalooyinka ay ka arrimiyaan  Ciidamada Jubaland waxaa ku sugan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab  kuwaasoo xiliyada qaar Ciidamada jubaland la beegsada Qaraxyo Miino oo  khasaare kala duwan dhaliaya.

19-kii bishaan ayay ahayd markii ay kooxda Al -Sabaab weerar isugu jiray Qaraxyo ismidaamina ah iyo weerar toos ah ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubaland iyo kuwa SNA ay ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni ee Gobbolka Jubada Hoose, waloow duqeyn dhanka cirka ah oo ay Diyaaradaha Maraykanka ay la beegsadeen Maleeshiyaadkii weerarka gaystay looga dilay 52 ka mid ahaa.

Ilaa iyo hadda ma jiro faah faahin intaa dhaafsiisan oo laga helayo werarkan lagu laayay ciidamada ka tirsanaa kuwa Jubbaland, gaar ahaan ilaalada madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Mdoobe) 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]