4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2019
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo mar kale looga yeeray Addis Ababa

 

Jimco, Janaayo, 25, 2019 (HOL) –Wali waxaa taagan xasarada siyaasadeed ee ka dhaxjirtay hoggaanka sare ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo hoggaamiyaha xisbigga tallada haya Axmed Shide

Mustafe Cagar ayaa la sheegay in looga yeeray isla maanta xafiiska ra’iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo isku dayay in uu xaliyo khilaafka ka taagan gudaha mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in madaxweynaha deegaanka uu caqabada ugu badan kala kulmayo siyaasiyiin horay uga tirsanaa xukuumaddii hore oo aan la dhacsaneyn qaabka uu wax u wado, ayna doonayaan in markale qeyb ka noqdaan golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka, mowqifkaasi oo uu taageersan yahay Axmed Shide, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee deegaanka.

Dhinaca kale waxaa shaaca laga qaaday dadkii ku lug lahaa rabashadihii ka dhacay dowlad deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga 04 bishii August ee sanadkii hore, kaddib shir jaraa’id oo ay qabteen Mas'uuliyiinta xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya.

Shirka jaraa’id ayeey ku sheegeen in 46 ruux ay mas'uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas horay gacanta loogu dhigay oo ay xiran yihiin.

Waxaa socda howlgal loogu raad joogo dhammaan 40-kii ruux ee kale, sida lagu qeexay macluumaadka uu shaaciyay xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya.

Waxay sheegeen in 6-da ruux ee xiran uu ku jiro madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]