4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2019
Wadahadallada Taalibaan iyo Maraykanka oo horumar sameeyey

 

Jimco, Janaayo, 25, 2019 (HOL)-Waxaa soo baxaya ifafaalo ah in horumar laga sameeyey wadaahadalladii Maraykanka iyo Taalibana ku dhexmarayey waddanka Qadar, taasoo keentay in dadka qaar ay u arkaan in degaanansho siyaasadeed laga gaari karo colaadda 17-ka sano socota ee Afghanistan.

Wadahadallada ayaa furmay Isniintii, waxayna dhexmarayeen koox uu hoggaamiyo ergayga Maraykanka Zalmay Khalilzad iyo Taalibaanka, waxaa kaloo joogay wakiillada Qadar iyo Pakistaan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo kala duwna oo ku saabsan xasilinta waddankaasi.

Taalibaan ayaa ku dhowaaqay inay doonayaan in waqti loo qabto xilliga ay Maraykanku ka baxayaan dalkaasi, taasi beddelkeedana waxay bixinayaan dammaanqad inaan waddankaasi loo adeegsan meel laga weeraro Marayanka.

Wararka ayaa sheegaya in Taalibaanku ay ku dhowaaqi karaan xabad-joojin haddii horumar laga sameeyo qodobka u weyn ee dalabkooda oo ah inay Maraykanku ka baxaan Afghanistan.

Dhinaca kalena Taalibaanka ayaa magacaabay wakiil u joogi doona xafiiskooda Qadar oo lagu magacaabo Mullah Cabdul Ghani Baradar, ninkaasi oo ka mid ah taliyayaasha milatariga Taalibaan isla markaana hoggaaminaya wadahadallada ka socda Qadar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]