3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2019
Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada oo War ka soo saaray go'aankii dowladda ee ka dhanka ahaa Wakiilka QM

 

Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay madaxda Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada ayaa looga soo horjeestay go'aankii dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Golaha ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay qoraalkii ka soo baxay xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee ahaa in dowladda Soomaaliya jawaab ka bixiso dhacdooyinkii is xig xigay ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Haddaba Qoraalka Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleed-yada ayaa u dhignaa siddan .:

Goluhu, wuxuu soo dhoweynayaa, si buuxdana u taageerayaa qoraalkii Beesha Caalamka (30 December 2018), gaar ahaan Xafiiska Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG), ee ahaa xaqiiqa raadinta falkii ka dhacay Baydhaba iyo ciddii Masuuliyadeeda lahayd. Waxaa nasiib darro ah, in qoraalkii xaqiiqa raadinta ahayd looga jawaabay, si Masuuliyad darro ah, oo aad uga fog Danta Dadka Soomaaliyeed.

Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday. Ugu danbayn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu wuxuu ka codsanayaan Beesha Caalamka in aan la joojin taagyeerada ay u fidiyaan shacabka Soomaliyeed oo ku jira marxalado adag. Sidoo kale, wuxuu Goluhu xusuusinaya Guddiga Arrimaha Dibedda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay arrintan si taxdar leh wax uga qabtaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 













Click here
1/2/2019 9:16 AM EST
Arbaco, Janaayo 02, 2019 (HOL)- Wada hadaladii u socday xisbiyada Somaliland ee lagaga arrinsanayey doorashooyinka golaha Wakiilada iyo deegaanka ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

1/2/2019 7:28 AM EST
Arbaco, Janaayo,02, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa War ay ka soo saartay weerarkii Hoobiyayaasha loo adeegsaday ee lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobey, waxaa ay ku sheegtay in ay aad uga xun tahay islamarkaana cambaareyneyso.

1/2/2019 7:19 AM EST
Arbaco,Janaayo, 02, 2019 (HOL)-Xukuumada Somaliland ayaa la safatay wakiilkii qaramadda midoobay u qaabilsana Soomaaliya Nichlos Haysom ee soomaaliya ka caydhisay dalkeedda.

1/2/2019 5:58 AM EST
Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Baarlamaanka Puntland ,Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa magacaabay guddiga doorashada guddoonka golaha wakiilada.

1/2/2019 4:36 AM EST
Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL)-Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in howlgal ay ku dileen 7 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

1/2/2019 2:01 AM EST
Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL)–Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa joojiyay ama is hortaagay bandhig fannaaneed la xiriira munaasabada soo dhaweynta sanadka cusub ee 2019ka oo Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ku qabsan lahaayeen mgaalada Hargeysa.

1/2/2019 1:20 AM EST
Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL)–Magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo siyaasadeed kuwaa iyo diyaar-garoow loogu jiro doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo kan madaxweynaha.

1/2/2019 12:16 AM EST
Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL) – Ugu yaraan laba qof ayaa dhimatay afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib laba weerar oo toorrey loo adeegsaday oo talaadadii shalay ahayd ka dhacay magaalada London ee dalka Britain.

1/2/2019 12:04 AM EST
Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda xukuuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa, kaa oo dalka looga mamnuucay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom