Arbaco,Janaayo, 02, 2019 (HOL)-Xukuumada Somaliland ayaa la safatay wakiilkii Qaramadda Midoobay u qaabilsana Soomaaliya Nichlos Haysom ee soomaaliya ka caydhisay dalkeedda.
Xukuumaddu waxay ku amaantay wakiilka
Un-ta u qaabisan Soomaaliya in uu dadaal u galay nabadeynta Soomaaliya iyo xal u helida khilaafyadda Somaliland iyo
Soomaaliya u dhexeeya.
“Dawlada Somaliland waxay u
cadaynaysa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka intaba in ay
ka xun tahay go’aanka Somalia ka qaadatay Wakiilka xoghayaha guud ee UN-ta
mudane Nicholas Haysom.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha
dibada Somaliland.
War-saxaafadeedkan waxa uu u
qornaa sidan “ Dawlada Somaliland iyadoo tixgalinaysa iskaashiga iyo taageerada
dhanka horumarka iyo bani’aadamnimada ee ka dhexeeya Somaliland iyo jimciyada
quruumaha ka dhexeeya waxay ku wargalinaysaa xoghayaha guud ee qaramada
midoobay in go’aankaasi aanu khuseyn Somaliland,isla markaana ay dawlada Somaliland
si buuxda ula shaqaynayso jimciyada quruumaha ka dhexeysa iyo laamaheeda kala
duwan.
Dawlada Somaliland waxay ku
bogaadinaysa wakiilka xoghayaha guud ee qaramad middoobay Nicholas hayson in uu
mudadii uu joogay xafiiska uu dedaal xoog leh u galay nabadeynta Somalia
dhexdeeda iyo xal u raadinta khilaafka Somaliland iyo Somalia.
Ugu dambayn, dawlada somaliland waxay aaminsan
tahay in go’aankan ka dhanka ah wakiilka xoghayaha guud ee qaramadda midoobay
uu ka xeel dheer yahay waxa lagu sababeeyey isla markaana uu ka dhalan karo
caqaaqib xumo mustaqbalka.”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.