4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2019
Wasiir Cawad : Wakiilka Qaramada Midoobey wuxuu dhaqmay si ka baxsan nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadda

 

Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda xukuuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa, kaa oo dalka looga mamnuucay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom

Isaga oo la hadlay BBC ayuu Wasiir Cawad sheeegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas'uul isaga ka amar qaata.

"Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya," ayuu yiri wasiir Axmed Ciise Cawad.

Wasaaradda arimaha dibedda ayaa ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Tallabadan ay qaaday dowladda ayaa ka danbeysay kaddib markii Wakiilka Qaramada Midoobey uu ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay jawaab cad ka bixiso wax yaabihii ka dhacay Baydhabo, xariggii Mukhtaar Rooboow, dad lagu dilay dibadaxyo iyo waliba ku dhawaad 300 oo shacab ah oo sida uu hadalka u dhigay la xir xiray.

Laakiin jawaabta dowladda Soomaaliya ayaa noqotay in uu dalka isaga baxo, waxaana qoraalka Wasaarradda arrimaha dibedda lagu sheegay in aan Nicholas Haysom dalka looga baahneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]