4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2019
Kenya oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Al-shabaab hubna ka furatay

 

Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL)-Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in howlgal ay ku dileen 7 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

War ka soo baxay taliska ciidamada difaaca Kenya ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka intii uu socday uu dhaawac ka soo gaaray labo askari oo tirsanaa ciidamadooda.

Weerarka ayeey sidoo kale sheegeen in Al-shabaab ay kaga qabsadeen saanad Milliteri oo ay ka mid yihiin 9 Qori AK 47 ah, Rasaas  iyo Bambaanooyin.

Howlgalkan oo Shalay ka dhacay degaanka Taabto,ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa weerarrada lagu dagaallaamayo Al-Shabaab oo marar badan oo hore weerarro is xig xigay ka geystay gudaha dalka Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo jawaab u ah sheegashada ciidamada Kenya ee ah in laga dilay qaar ka mid ah dagaalyahannadooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]