Arbaco, Janaayo, 02,
2019 (HOL)–Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa joojiyay ama is hortaagay
bandhig fannaaneed la xiriira munaasabada soo dhaweynta sanadka cusub ee 2019ka
oo Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ku qabsan lahaayeen mgaalada Hargeysa.
Tallaabada ciidamada
ay ku joojiyeen Bandhig Fanneedka ayaa waxaa si adag u cambaareeyay
Fannaaniinta Geeska oo sheegay wax lala yaabo tahay in iyaga oo hoggaan-samay amarka
xukuumadda ee ahaa in aan la dhiggin Show haddana leysku hortaago wareysiyaddii
caadiga ahaa iyo heeshii ay sanad walba xiliggan oo kale ay soo bandhiggi
jireen.
Maxamed Axmed Bakaal
Cirro oo ah guddoomiyaha kooxda Xiddigaha ayaa sheegay in xukuumaddu ay iska
hortaagtay xaq iyo xaquuq ay u lahaayeen in ay ku soo bandhigaan fankooda,
waxaana uu intaa ku daray in tallaabadan muujineyso caburin lagula kacay.
‘’In Sanad waliba
iyo munaasabada Ciidaha kala qeybqaadanno dabaal-dega iyo fantisyaha
taageerayaasheena waa waxa aynu ku nahay fannaaniin, waxaan u sheegey-naa
xukuumadda Annagu muwaadinin beynu nahay cidna nagama xigto Somaliland , in xukuumaddu ku
mashquusho afar oday iyo reer-ro, oo ay ku mashquuli weydo fanka oo ka mid ah
meelaha bulshada laga wac-yi-galiyo waa ayaan darro’’ ayuu yiri Cirro.
Fannaaniinta ayaa
sheegay in ay haddii ay dooneyso xukuumaddu in ay wax saxdo looga fadhiyo sida
ay hadalka u dhigeen in marka hore wax ka qabto musuq-maasuqa, qabyaallada,
Tahriibka iyo shaqo la’aanta, iyaga oo intaa ku daray in xukuumadda
looga baahan yahay in fanka u raali-galiso si la mid ah sida ay u raali-galiso
reerraha iyo qabaa’illada waa sida ay hadalka u dhigeen.
Madaxweyne Muuse
Biixi ayeey ugu danbeyntii ugu baaqeen in uu ka hadlo tallaabadan ay ku kaceen
ciidamada amniga ee looga hor istaagay bandhig fannaaneedkii ay qabsan
lahaayeen.
Wasaarradda Diinta
iyo Awqaafta Somaliland ayaa horay u mamnuucday bandhig fanneedyada la qabto xiliyada
loo dabaal-degayo soo dhaweynta sanadka cusub, waxaana horey marar badan sida
oo kale fannaaniin looga mamnuucay in ay Show ku soo bandhigaan Hargeysa iyo
deegaannada kale ee Somaliland.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]