4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2019
Labo ruux oo toorreey lagu dilay magaalada London ee dalka Britain

 

Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL) – Ugu yaraan laba qof ayaa dhimatay afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib laba weerar oo toorrey loo adeegsaday oo talaadadii shalay ahayd ka dhacay magaalada London ee dalka Britain.

Weerar loo adeegsaday toorrey oo ka dhacay deegaanka Park Lane ayaa waxaa ku dhintay hal nin, halka saddex qof oo kale oo mid ka mid ah ay tahay dumar lagu dhaawacay.

Sidoo kale haweeney ayaa lagu toogtay goob lagu caweeyo oo ku taal Hackney halka mid kale si xun loogu toorriyeeyay Southwark.

Booliska ayaa sheegay in ninka lagu dilay Park Lane uu ahaa nin ka shaqeeya arrimaha amniga ee goobtaasi. sidoo kale labada nin ee kale ee la dhaawacay ayaa iyaguna ka shaqeynayay isla goobtasi.

Dadka weerarradan ku dhaawacmay ayaa dhamaantood lagu daweeyay goobta lagu weeraray, ka hor inta aanan loola cararin isbitaallada. Dhaawacyada soo gaaray dadkaasi ayaa la sheegayaa in aysan ahayn kuwo halis gelin karaya nolashooda.

Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaanno ka dhan ah weerarradani, waxaana ay isku dayayaan in ay la xiriiraan qaraabada ninka ku dhintay weerarka ka dhacay Park Lane.

Dhanka kale, haweeney ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray toorrey lala dhacay, weerar ka dhacay Southwark. Ilaa iyo haatan lama shaacin magaca iyo ehelada haweeneydaasi.

Booliska ayaa soo xiray nin da'diisu lagu sheegay 34 sano jir, kaa oo lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka haweeneydaasi. Ninkaasi ayaa haatan lagu hayaa saldhig boolis oo ku yaal koonfurta London.

Xigasho BBC