Saddexda xisbi ee Somaliland oo aan wali ku heshiin caqabadaha horyaalla doorashooyinka la filayo inay sanadkan dhacaan
Arbaco, Janaayo 02, 2019 (HOL)- Wada hadaladii u socday
xisbiyada Somaliland ee lagaga arrinsanayey doorashooyinka golaha Wakiilada iyo
deegaanka ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday.
Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI
ayaa sheegay in wada hadalkaasi lagu heshiin waayey,isla markaana ay iyagu soo
jeediyeen in la kala diro guddida doorashooyinka Somaliland oo ay hore u
qaadaceen, halka xisbiga UCID isagoo soo jeediyey laba xubnood loogu daro
labada xisbi mucaarad.
“waxyaalihii aanu soo jeedinay
waxba lagama qaban, waxay doonayaan in doorashadan ka dib uun laga wada hadlo
arrinta komishanka aanu ka cabanayno, waxaanay qaateen taladii labada xubnood
in mucaaradka loogu daro gudida doorashooyinka oo uu xisbiga usoo jeediyey”ayuu
yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlayey xisbiga WADANI.
Xisbiga WADANI waxa uu cadeeyey
in aanu marna ogolaan doonin inay komishankan ay ka cabanayaan ay doorasho
dambe qabtaan illaa inta la bedelayo, maadaama oo ay ku doodeen in doorashadan
labadda gole ka balaadhan tahay ta madaxtooyadda.
Dhinac kale, gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali
Waraabe ayaa isagu eedeeyey xisbiga WADANI oo uu sheegay in aanay doonayn inay
doorasho dalka ka dhacdo.
“wada hadalkii wali wuu noo
socdaa, waxaana doonayna inay dhinacyaddu wada guulaystaan”ayuu yidhi Faysal
Cali Waraab, waxaanu weeraray xisbiga WADDANI, Waxaanu yidhi “WADANI wuxu wata
ajande aan Somaliland ahayn, in aan dalkani doorasho ka dhicin buu rabaa, waxa
ku jira shakhsiyaad aanu ognahay halkay
ku xidhan yihiin, marka waanu isku dhaaranayna in ay doorashadu dhacdo iyo in
aanay dhicin, taas ayaa noo ballanna.”
Si kastaba ha ahaatee,
saddexda xisbi ayaa wali ku heshiin
wakhtiga doorashaddu dhacayso, xisbiga WADANI ayaa isagu doonaya In Komishanka
la bedelo, halka xisbiga UCID doonayo in laba xubnood mucaaradka loogu daro,
halka xisbiga KULMIYE labadaasi qodob ka soo horjeedo oo uu doonayo in sidii ay
awal ahaan jireen uun lagu gallo doorashooyinka.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.