4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Dowladda oo shaacisay in la xorreyn doono deegaannada xeebta ku teedsan ee Galmudug


Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya,  Maxamed Abuukar Islaaw oo uu wehliyo wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, ayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Taliska qaybta 21-aad, guddiga amniga caasimadda Galmudug iyo taliyaasha laamaha amniga oo dhan.

Wasiirka amniga ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay ka shaqeeynta qarannimada iyo midnimada si xoreeyo deegaannada Galmudug ee wali Al-Shabaab gacanta ugu jira , loona hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay qaybta ka tahay dhismaha dekadda Hobyo.

Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in isku-dhafkii ciidanka ay sare u qaaday qorshaha sugidda amniga, midnimada, wada-shaqeynta ciidanka.

Gen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa bulshada deegaannada Galmudug guud ahaan ka codsaday in ay kala shaqeeyaan adkeynta amniga, iyo xoreynta deegaannada uusan wali maamulku gaarin.

Maxamed Abuukar Islaaw oo caddeeyay in hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidanka ku garab taaganyihiin shaqada ballaaran ee ay qaranka u hayaan, ayaa dhamaan reer Galmudug ka codsaday in ay muujiyaan isku duubni iyo wada-shaqeyn horseedda gaaridda horumarka la tiigsanayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]