4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Kulan Ciyaaro Kubadda Cagta ah oo Toronto uga Socday Dhalin Soomaali ah oo la soo Gabagabeeyey

Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL) Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa shalay lagu soo gabagabeeyey tartan kubadda Cagta ah ee d’a yar Soomaali ah ugu socday magaaladaas,.

Kooxaha ku tartamaya ayaa ka kala yimi 5 Koox ooToronto ah & hal Minnesota ah , NAYSC oo Minnesota ah ,Banadir, Hilaac,Horseed, Horyaal,Muqdisho oo Toronto ka dhisan, waxayna ahaayeen labo qaybood 10 Jirada iyo 12 Jirada,.

Waxaana ciyaaraaan qabanqaabadooda lahaa Tababarayasha kooxahaan kor xusan ee ka dhisan magaaladda Toronto.

Ciyaarahaan oo labo cisho sacday ayeey kooxuhu is wada arkayeen , waxaana sanadkaan kaalintaan 1aad galay labada dhanba kooxdii ka socday gobolka Minnesota ee iyagu martida ahaa iyadoo kaalinta 2aad ay galeen Horseed iyo Horyaal.

Macalin Xasan Max’ud Xarbi oo kooxda Horseed Toronto Tababara barisamadkiina u ciyaari jiray naadigii heerka kowaad ee Horseed ayaa HOL u sheegay in sababya ciyaarahaan ay qabteen ay tahay in isbartaan dhalintaan yaryar oo waalaalnimo dhextooda ka dhalato iyo isboortiga Soomaalida Waqooyiga Ameerica aan hoos ka soo dhisno si mustaqbalka loo helo ciyaartooy yaraan lagu tababaray oo xirfad sare yeelan karta, uguna badbaadaan aafooyinka dhalinta ku habsaday waayadaan.

Dhamaan waalidiintii ka soo qaybgalay ayaa looga mehedceliyey sida quruxda badan ay uga soo soo qaybgaleen galeen labadii cisho ee tartankaan uu socday 

Siyad Said Salah

[email protected]

Toronto Canada