4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Jaaliyadda Puntland Ohio oo u dabaaldagay Aas Aaskii Puntland


Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Jaaliyadda Puntland ee gobolka Ohio ayaa qabtay xaflad loogu dabaaldagayay sanadkuuradii 21aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya.

Ujeedada ugu weyn ayaa ahayd in la soo bandhigo ahmiyada Nabada iyo Maamulku u leeyihiin aadanaha iyo in bulsho walba u bahantahay in ay helaan nabadgalyo si ay u maareeyaan noloshooda.

"Qurbajoogta puntaland ee Ohio ayaa si weyn uga qeyb qaatay dhisida iyo horumarinta Puntland waxayna xili walba u taaganyihiin in ay horey usii socoto kuna biirino Aqoonteena, Dhaqaaleheena, iyo Taladeena si aan u noqono dad leh mustaqbal ay ubadkoodu hiigsadaan islamarkaana wax ka badali kara gabi ahaan dalka Soomaaliya" Sidaa waxaa tiri Kowther Muse oo ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanadaa ee ka soo jeeda Puntland kuna nool Columbus ohio.

Ali Jama oo ka mid ah Ganacsatada gobolka Ohio ayaa dhankiisa ku tilmaamay Maamulka Puntland in u ahaa Tusaale wanaagsan walina laga sugayo in la sii labo jibaaro dadaalada ku aadan isbadal ka shaqeynta sidii Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd isaga oo maamulada dalka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan horumarka deegaamada si bulshadu u hesho xasilooni iyo fursado ku dhisan is dhexgal.

"Marna ma dafiri karno sida loogu bahanyahay in la helo dowlad dalka wada gaarta oo Federalka iyo dowlada dhexe isku wada iyada oo la adkaynayo dhismaha ciidamada qaranka oo ku imaankara wada shaqeyna madaxda dalka Maamul goboleed iyo dowlad dhexe, Puntland waa maamul Guun ah oo aad u hana qaaday hadana waa ay noo muuqataa in meeshas meel ka saraysa la gaari laha hadii dalku isku si u wada shaqeeyo lana helo hal awood loo simanyahay" sidaa waxaa yiri Abdikadir Jama Timajilic oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool Columbus 

Ismacil Mohamed oo ah nin dhalinyaraa oo qareen ah ayaa ku dhiirogaliyay dhalinyarada in ay wax bartaan aqoontoodana ku celiyaan dalkooda kana faiideystaan fursadaha halka ay ku noolyihiin.

Inta baddan dadkii ka hadlay xaflada ayaa ka sinaa in Puntland ay ka jirto Dowlad waxbaddana la qabtay iyada oo shacabka Puntland ay go'aansadeen ka shaqeynta xasiloonidooda.

Mudadii ay xafladu socotay waxaa qeyb muhiim ah ka qaadanayay Fanaaniin iyo Abwaano ku soo bandhigay Heeso iyo gabayo wadani ah halka Kooxda dhaantaduna ciyaaraha dhaqanka tumayeen.

Sanadwalba ayaa daafaha dunida looga dabaaldaga sanadguurada Puntland iyada oo ay inta baddan abaabulaan Qurbajoogta Puntlad ee Caalamka.

Deeqo Shire (SONNA)