4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Khilaaf hoose oo u dhexeeyay madaxweyne Deni iyo ku-xigenkiisa oo soo shaac baxay

Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka soo horjeestay guddiga ku-meelgaarka ah ee uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Puntland.

Karaash wuxuu sheegay inuusan madaxweynaha wax la-tashi ah kala sameyn magacaabiista guddiga, wuxuuna ku tilmaamay hannaanka magacaabiista guddiga inay ka soo horjeedo dastuurka.

"Waxaa caddaynayaa in xeerkani yahay waxba kama jiraan maadaama uu khilaafsan yahay dastuurka dowladda Puntland iyo lifaaqa 1aad ee dhismaha guddigan." ayaa lagu yiri qoraal uu ku saxiixna madaxweyne ku-xigeenka oo ay baahisay warbaahinta gudaha.

Guddiga ku-meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ka kooban sagaal xubnood oo afar ka mid ah uu magacaabo guddoonka Baarlamaanka, halka shanta kalena uu magacaabo madaxweynaha.

Diidmada madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash, ayaa dib u xasuusinaysa sida uu wax ugu dhimay wada-shaqeyntii u dhaxeysay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisii Camay, oo sidan oo kale ka horyimid guddigii uu magacaabay Cabdiweli Gaas ee doorashooyinka.

Hoos ka akhri qoraalka M. ku xigeenka Axmed Karaash;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]