4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Xiisad u dhaxeysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya oo ka taagan magaalada Kismaayo

 

Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.

Ilo xog ogaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya isku horfadhiyaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya, laakiin waxaa wararku sheegayaan in ciidamada Itoobiya qorshahoodu yahay in ay la wareegan gacan ku heynta Amniga Garoonka Kismaayo.

Dhinaca kale warar arintan ku saabsn ayaa sheegaya in maanta laga celiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya.

Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada Jubbaland, iyadoo dhawaan looga dhawaaqay Labo baarlamaanka oo iska soo horjeeda.

Wixiii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]