4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Ka qeybqaado dhismaha Masjidka ugu weyn gobolka Hiiraan oo laga hergalinayo degmada Jalalaqsi


Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Degmada Jalalaqsi waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha Masjid Jaamaca ugu weyn guud ahaan marka la eego deegaannada Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiran.

Eng Cabdirashiid Cali Cumar Foodey oo ah howlwadeenka dhismaha Masjidka ayaa Hiiraan Online uga waramay halka uu maraya dhismaha  isaga oo sheegay in marka la eego baaxda dhulka uu ku fadhiyo Masjidka uu gaarayo 1000m oo Isku wareeg ah, sidaa daraadeed loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato dhismhiisa.

''Dhismaha hadda waxaa la soo gaarsiiyay meel wanaagsan, waxaana gacan weyn ka geystay dadka kheyrka jecel ee muxsiinta ah, laakiin howlihiisii ugu badnaa marka la eego dhismaha Masjidka wali fari kama qodna, sidaa daraadeed wuxuu u baahan yahay guud ahaan in gacan laga wada geysto'' Eng Cabdirashiid Cali Cumar.

Baahida keentay in la ballaariyo Majidka ayeey ku sheegeen qaar ka mid ah Wax-garadka degmada in dadka uu ku filanaan waayay Majidkii hore uga dhisnaa degmada oo ay bilaabeen in  dadku  in ay salaada ku tukadaan heeraraha Waddada kaddib markii uu Masjidku qaadi waayay, taa oo keentay in baaxadiisa la ballaariyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]