4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2019
Maxamed Aw Daahir Marsheye oo Musharax u ah Jubbaland oo Minnesota lagu soo Dhaweeyey.

Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Waxaa magaaladda Minneapolis lagu soo dhaweeyey musharaxa madaxwayne ee Jubbland State Maxamed  Aw Daahir Marsheye,boqolaal dad ah oo sitay calamadda Soomaaliya kan Maamulka Jubbland ayaa soo buux dhaafiyey goobtiiay xafladda ka dhacaysay .

Ugaas Cabdi Hire oo ka mida isimada ugu magaca wayn Minnesota oo ka soo jeeda gobolka Gado ayaa ku nuuxnuuxsaday taariikhda iyo qofka uu yahay musharax Marsheye , ugaasku waxuu  si adag u yiri ninkaan waa nin ku dhashay gobolka waa nin midaynkara Jubbland kana saari kara xiligaan adage ee lagu jiro ,fahmi karana siyaasada hogaaminta ah ee looga baahan yahay Jubbalnd maanta.

Shugraan Guure  oo ka mid ahayd xildhibaanada Kenya dhawr sano ka hor  ayaa iyaduna sheegtay in ay soo dhawaynayso Marshaye loona baahan yahay in isbadal ku yimaado maamulka.

Waxaana HOL ugu waramay soo dhaweenta musharaxan Axmed Haadi oo ka mid ahaa dadkii qabanqaabada xafladda lahaa waxuuna  yiri “Mohamed Aw-Dahir oo ah madaxa hayada FAO u qaabilsan dhinaca cuntada iyo dhaqaalaha geeska Africa ayaa wuxuu booqasha ku yimid waqooyiga America isagoo ah musharax madaxwaynimo ee dowlad goboleedka Jubaland waa aqoonyahan aan dalka ka baxin wax badana ka qabtay arimo dhawra waana waxqbadkiisa waxaan ku soo dhaweeynayno kuna taageerayno.

Dadkii xafladd ka hadlay ayaa soo dhaweeyay musharaxnimada madaxwayne ee Aw-Dahir iyagoo aad u xusay inuu yahay nin aqoon jaamacadeed leh, qibrad iyo takhasus u leh cilmiga dhaqaalaha beeraha iyo cuntada 30kii sano ee tagay kasoo shaqaynaayay geeska Africa.

Maxamed Aw Daahir Marsheye oo khudbad dheer jeediyey ayaa ka hadlay in ay muhiim tahay in dowladda dhaxe iyo maamulada jiraa wada shaqeeyaan waqtiyada khilaafyadda badan  lagu luminayo lagu badalo waxqabad dalkana horemar iyo cadaalad lagu dhaqo, waxuu kalo musharaxu ka hadlay in maamulka hada jira  ee Jubbaland wax badan qabtay lakiin loo baahan cid meesha ay wax gaarsiiyeen hore ugu sii wada xaga nabadaynta xoraynta dagmooyinka maqan, siyaasad cadaalada oo midaynkarta dadka ku midoobay jubbland ayaa muhiim ah ayuu yiri Marsheye .

Musharaxa waxuu aad uga hadlay xeryaha qoxootiga ee dhadhaab dadka ku jira 30 sano in ku dhow waa in loo sameeyo jiheeyn dhab dalka dib loogu soo celiyo,isagoo dadkaa ku tilmaamay inay yihiin dad wadaniiyiin ah jecel dalkooda, lakiin u baahan yihiin in wax badan loo diyaariyo gabi ahaanba dhulkooda Soomaaliyeed.

Siyad Said Salah

[email protected]

Minneapolis MN