Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka JFS
Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal
Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey
shaqooyinkii u qabsoomay Labada Gole muddadii lasoo dhaafay, iyagoona dul
istaagay dadaallada joogtada ah ee mudaneyaasha Baarlamaanku ay ugu jiraan
dejinta iyo ansixinta sharciyada dalka.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la
xoojiyo wada shaqeynta Labada Gole ee Baarlamaanka, si ay u horseeddo qorshe
iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka
Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyeyaasha Labada Gole ee
Baarlamaanka ayaa isla qaatay dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka,
kuwaas oo ay ka mid yihiin meel marinta 29-ka hindise sharciyeed ee Xukuumaddu
ay gudbisay.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula
dardaarmay Mudaneyaasha Baarlamaanka in ay ansixiyaan shuruucda hor-tabinta
leh, ka hor xiritaanka kalfadhiyada Labada Gole ee haatan socda.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]