4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2019
Howlgal dad badan lagu soo qab qabtay oo xalay laga sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho

 

Talaado, April, 30. 2019 (HOL)–Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay Howlgal iyo baaritaanno dad badan lagu soo qab qabtay ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibis.

Baaritaanka ay sameeyeen ciidamada booliska ayaa waxaa lagu soo qabtay dhalin yaro aad u fara badan ,kuwaasi oo qaarkood ay ka xeysteen ciidamada booliska Soomaaliya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaano ku sameynayeen gaadiidka nooc-yadiisa kala duwan, kuwaasi oo ka howlgala degmada Shibis iyo degmooyinka kale ee gobolka Banaadir,waxaana sidoo kale baaritaanka uu ahaa mid guri guri lagu baarayey.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faah-faahin ka bixiyaan baaritaanada xalay laga sameeyay degmada Shibis ee gobalka Banaadir.

Maalmihii ugu danbeeyayba ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho howlgalo Amnmiga lagu xaqiijinayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]