4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2019
Wafdi ballaadhan oo degaanka Soomaalida ka socda ayaa u anbabaxay degaanka Oromiya

 

Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Wafdi ballaadhan oo isugu jira masuuliyiinta degaanka, odayaal dhaqameed iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta waxay socdaal ugu anbabaxeen magaalada Adhama ee degaanka Oromiya.

Socdaalkan oo loogu magac daray socdaalkii nabadda iyo midaynta ilmo kushitik, ayaa wafdigu waxay mareen dhulka iyagoo magaalo kasta oo ay sii marayaan loogu samayn doono soo dhawayn heer sare ah.

Haddaba waftigan ayaa markay gaadhaan magaalada Adhama waxay ka qayb galayaan Shir muhiim ah oo wadatashi qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo maalinta barri ah ka furmaya Adhaama.

 

Socdaalkan iyo kulanka bari ka furmi doona Adhaama ee ay ku wada hadlayaan Soomaalida iyo Oromada ayaa la filayaa inay natiijo wax ku ool ah kasoo bixi doonto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]