3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2019
Midowga Yurub oo kordhiyay cunaqabateynta saaran Mayanmar

 

Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- War ay soo saareen Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Tallaabadaasi ay qaadeen EU-da ay ku jiraan xayiraad la saarayo iibsashada hubka iyo qalabka kale ee gala dalka Myanmar.

Sidoo kale xayiraadaha ama cunaqabateynta saran dalkaasi waxaa kaloo ku jira xadeynta waxa ay dhoogiyan Mayanmaryo la socodka isgaarsiinta gudaha iyo dhaqdhaqaaqa kale.

14-sarkaal ayaa lagu waramay in ay saaran yihiin cunaqabaeyn xagga socdaalka ah iyo joojinta hanta u tiillay dalalka Yurub ,ka dib kolkii lagu eedeeyay n ay ka qeybgaleen xasuuqii loo geystay muslimiinta Rohinya.

Midowga Yurub ayaa go’aamiyay in muddo kordhinta cusub ay soconeyso illaa 30-ka April 2020-ka.

25 August, 2017-kii 24-kun oo Rohingya ah ayaa la dilay,halka 750-kun oo ruux ay u barakaceen dalka Bangaladesh,waxaana Qaramada Midoobay ay ciidamada Mayanmar u aqoonsadeen kuwo geystay dambiyo dagaal oo salka ku haya xasuuq bini’aadanimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/30/2019 12:08 PM EST
Waxaa magaaladda Mineapolis lagu soo dhaweeyey musharaxa madaxwayne ee Jubbland State Maxamed Aw Daahir Marsheye,boqolaal dad ah oo siday calamadda Soomaaliya kan Maamulka Jubbland ayaa soo buux dhaafiyey goobtiiay xafladda ka dhacaysay

4/30/2019 11:40 AM EST
Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Warar naga soo gaaray Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa sheegay in goor dhaw qeybo ka mid ah Suuqa uu Dab qabsaday gaar ahaan goobo ganacsi uu ku yaala Agagaarka halka loo yaqaan Cadalle Shideeyaha.

4/30/2019 10:56 AM EST
Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

4/30/2019 9:04 AM EST
Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in aanay dhici Karin in laba xisbi oo kaliya doorasho galaan,isla markaana aanay ogolaan doonin taageerayaashoodu inay ka qaybgalaan diiwaangalinta codbixiyeyaasha dhowaan la doonayo in la bilaabo.

4/30/2019 8:38 AM EST
Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Wafdi ballaadhan oo isugu jira masuuliyiinta degaanka, odayaal dhaqameed iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa maanta waxay socdaal ugu anbabaxeen magaalada Adhama ee degaanka Oromiya.

4/30/2019 6:41 AM EST
Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaliya dhinaca kalana ah guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed oo wehliyaan xubno ka tirsan Xisbigiisa ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

4/30/2019 4:45 AM EST
Talaado, April, 30, 2019 (HOL) – Maxkamada gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyntii maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan aheyd kiiskii Dilka ahaa ee bishii September ee sanadkii hore 2018 loogu geystay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshiid Axmed Mukhtaar Saalax Dowlo.

4/30/2019 1:44 AM EST
Talaado, April, 30, 2019 (HOL)-Laba Sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada Asluubta iyo ciidanka booliska ayaa dabley hubaysani jidgooyo u galeen deegaanka Yagoori ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku dileen.

4/30/2019 1:19 AM EST
Talaado, April, 30. 2019 (HOL)–Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay Howlgal iyo baaritaanno dad badan lagu soo qab qabtay ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibis.