Talaado, April, 30, 2019 (HOL) – Maxkamada gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyntii maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan aheyd kiiskii Dilka ahaa ee bishii September ee sanadkii hore 2018 loogu geystay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshiid Axmed Mukhtaar Saalax Dowlo.
newsinside Muuse Macalin Maxamed oo ah guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday eedeysanayaasha loo heystay dilka muwaadinkaas Soomaaliyeed oo si xun loo dilay, lana gubay.
Dadka xukunka dilka ah lagu riday ayaa kala ah Xuseen Iidow Maxamed, Asli Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed, kuwaa oo la sheegya in ay ka danbeeyeen dilka marxuumka.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay afar qof oo kale oo iyana ku eedeysnaa falka dilkaas, waxaana lagu waayay wax dami ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin ayaa sheegay in xukunkan uu racfaan ka furan yahay.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]