4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2019
Gudoomiyaha xisbiga WADDANI oo madaxweyne Biiixi ku eedeeyey inuu bulshadii kala qaybinayo

 

Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in aanay dhici Karin in laba xisbi oo kaliya doorasho galaan,isla markaana aanay ogolaan doonin taageerayaashoodu inay ka qaybgalaan diiwaangalinta codbixiyeyaasha dhowaan la doonayo in la bilaabo.

“Waxa la yaab leh in Madaxweynihii aynu Qarankan u dooranay in uu hoggaamiyo oo dalka mideeyo uu ka door biday in uu bulshada qayb ka mid ah madaxweyne u noqdo. Haddii madaxweynihii Qaranku in uu Qarankan madaxweyne u noqdo ka door biday in uu Kulmiye iyo UCID madaxweyne u noqdo dalka intiisa kale madaxweyne la’aan mayso. Haddii Madaxweynuhu ka door biday oo ay waajibkiisa ahayd in uu dalkan doorasho Qaran u qabto oo axsaabtu u siman tahay oo uu go’aansaday in uu Kulmiye iyo UCID doorasho u qabto inta kalena doorasho la’aan mayso,” ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

Waxa kale oo uu farriin u diray bulshada Somaliland iyo Taageerayaasha xisbiga “Waxaan u sheegaya shacbiga iyo umadda reer Somaliland in haddii xukuumaddii iyo labadii xisbi yidhaahdeen shacbiga kala badh baanu ka tashanayna in aanay inta kalena talo la’aan doonin. Waxaan u sheegaya oo aan faraya dhammaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, haddii ay joogaan gobol, haddii ay joogaan degmo in aanay marnaba aqbalin diwaangelin iyo doorasho laba xisbi wataan, farriintaas ayaan gaadhsiinaya dhammaan taageerayaasha WADDANI,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Sadexda xisbi markii ay ku heshiiyeen waayeen doorashada soo socota, waxa labadda xisbi ee KULMIYE iyo UCID ku heshiiyeen inay sidaas ku galaan doorasho, haseyeeshee waxa  meesha ka maqan xisbigii 3aad ee WADDANI, waxaanay labadda xisbi  aragtidooda ay heshiihska ku yihiin  u soo bandhigeen baarlamaanka iyo komishanka doorashooyinka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.