4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2019
Dab goor dhaw ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Weyn ee Bakaaraha

 

Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- Warar naga soo gaaray Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa sheegay in goor dhaw qeybo ka mid ah Suuqa uu Dab qabsaday gaar ahaan goobo ganacsi uu ku yaala Agagaarka halka loo yaqaan Cadalle Shideeyaha.

Goobjooge ayaa sheegay in Dabka uu ku fidayo goobo ganacsi oo baaxad leh, ilaa iyo haddana aan lagu guuleysan in la damiyo.

Gaar ahaan Dabka ayaa ka bilowday Dabaqa Al-Khaliij oo ku dhex yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye.

Gaadiidka Dab damiska ayaa waxa ay gaareen goobta uu Dabka ka kacay, si ay u damiyaan Dabkaasi kacay, si uusan u geysan khasaare kale oo dheeraad ah.

Gubashada Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan oo hore sidan oo kale iska soo daba noqotay, ilaa iyo hadda ma cada waxa oo celcelinaya arintan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]