4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2018
Xasan Sheekh oo guddoomiye kumeelgaar ah u noqday Isbaheysi looga dhawaaqay Muqdisho

Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee Isbaheysiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda (UPD).

Isbaheysigan cusub UPD, waxaa ku midoobey saddex xisbi siyaasadeed oo kala ah, Daljir,PDP iyo Kut-ladda Horusocod, kuwaas oo xubnaha ku jira ay isugu jiraan Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin mucaarad ah.

Xasan Sheekh , ayaa si kumeelgaar ah  xisbigan u hoggaamin doona lixda bil ee soo socota, waxaana la filayaa doorashada guud ee madaxda xisbiga UPD in la qabto bisha saddexaad ee sannadka 2019-ka, isla waqtiyadda ayaa sidoo kale la filayaa Isbaheysigan inuu ku dhawaaqo cidda ku matalaysa doorashada guud ee dalka ka dhacaysa 2020-ka.

Illaa 80 xildhibaan oo labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ah ayaa xubna ka ah Isbaheysigan cusub ,sida u sheegay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi , oo inta ku daray in laga soo tagay axsaabtii iyo kut-looyinkii ay siyaasiyiintan horay uga tirsanaayeen sida Daljir, Peace and Development Party (PDP) iyo Kut-ladda Horusocod.

Midowga xisbiyadda ayaa ku soo aaday xilli doorashada lugu wado dalka inay ka dhacdo sannadka  2020-ka ay ku tartamaan xisbiyadda ,iyagoo matalaad ku yeelanaya Baarlamaanka, inkastoo ay jiraan caqabado kala duwan oo hannaanka doorashada wajihi kara oo amniga uu ugu horreeyo.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed ayaa horey u shaaciyay in dowladda haatan jirta mas'uuliyiinteeda ay sameyn doonan xisbi uu guddoomiye u noqon doono madaxweynaha xilka haya ee Farmaajo, si ay doorashada soo socota uga qaybgalaan.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]