3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2018
Dagaal ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Hiiraan

 

Axad, September, 30, 2018 (HOL) – Ciiidamada dowladda oo gacan militari ka halaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo ka ruqaasaday magaalada Beledweyne ayaa weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanno dhinaca Koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.

Dagaal leysku adeegsaday hubka culus ayaa labada dhinac ku dhaxmaray inta u dhaxeysa magaalada Beledweyne iyo deegaanka Nuur Fanax, gaar ahaan dagaalka ayaa ka dhacay deegaannada Baardheere, Beerxaanno iyo Tare-Jente oo dhamaantood ku teeedsada waddada laamiga ah.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalkani yahay mid qorsheysan oo la doonayo in lagu gaaro dhamaanba deegaannada gobolka ay ka maamulaan Al-shabaab.

Laakiin dhinaca kale marka aad eegto ma’aha markii ugu horeysay oo ciidamada dowladdu tagaan deegaannada ay hadda dagaalladu ka dhaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/30/2018 2:29 PM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in si loo dardargaliyo wada hadallada iyo isku soo dhawaashiyaha Somaliland, la joogo waqtiggii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka deggi lahaa magaalada Hargeysa.

9/30/2018 11:21 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee Isbaheysiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda (UPD).

9/30/2018 10:41 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku qanciyay Iskaashtada Kalluunka ee suuqa degmada Cabdicasiis inay dib howlahooda shaqo u billaabaan,kaddib labo maalin oo u suuqa xirnaa.

9/30/2018 8:06 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee Galmudug ayaa xabsi lix bilood ah ku xukuntay wariye ku eedeysnaa inuu faafiyay warar ka dhan ah dowlad-gobolleedka.

9/30/2018 7:38 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL)–Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige Shabeel ayaa maanta xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga saaray.

9/30/2018 7:33 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ,Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u magacaabay, Cabdullaahi Xirsi Diirshe ku-simaha guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir.

9/30/2018 5:52 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) – Ugu yaraan 832 ruux ayaa ku dhintay duufaan ka dhalatay dhulgariir cabbirkiisu gaaray 7.5 oo ku dhufatay jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonisia, sida ay baahisay wakaaladda maareynta masiibooyinka ee dalkaasi.

9/30/2018 4:18 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulan uu magaalada New York kula qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrikaa uu ka codsaday in Maraykanka uu qaado xayiraadda dhinaca socdaalka ee uu saaray Soomaalida Maraykanka tagaysa.

9/30/2018 3:41 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Bannaanbax rabshado wata ayaa ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaana agagaarka taaladda Daljirka Dahsoon,iyadoo dadweyne careysan ay xireen isgoyska Jubba illaa taaladda Daljirka Dahsoon.

9/30/2018 3:03 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) – Feysal Mursal Warsame oo xubin ka ah ururka ONLF , ehelkiisa ma uusan arkin muddo 22 sannadood ah, wuxuuna ka qaxay magaalada Wardheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida sannadkii 1994-tii halkaas oo uu dagaal ka dhacay oo ay dad badan ka qaxeen Wardheer.

9/30/2018 1:53 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqashada rasmiga uu ku marayey dalka Jarmalka ku soo afmeeray xarig ka jaridda mid ka mid ah masaajidda ugu weyn qaaradda Yurub oo laga dhisay dalka Jarmalka

9/30/2018 1:03 AM EST
Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo khudbad ka horjeediyay shirka loo dhan yahay ee golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa dalbaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saran.