4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2018
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dib-u-habeyn ku sameeyey Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha

Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ,Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u magacaabay, Cabdullaahi Xirsi Diirshe ku-simaha guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha in uu si deg deg ah dib u habayn ugu sameeyo xubnaha iyo shaqada guddigaas oo lafdhabar u ah caddaalad iyo sinnaan loo horseedo shacabka tabashada qaba.

"Hirgelinta hannaan caddaaladeed oo lagu kalsoon yahay, xal waarana u horseeda murannada iyo khilaafaadka ka taagan dhulalka iyo guryaha waxaa asaas u ah in dib loo habeeyo Guddiga qaabilsan arrinkaas." ayuu yiri Eng Yarisow oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro musuq maasuqa iyo dikumiintiyada been abuurka ah ee lagu qaato hantida dadka.

Guddoomiyaha ayaa faray dhammaan xubnaha Guddiiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan hawlaha loo igmaday, si loo xalliyo tabashooyinka la soo gaarsiiyey Gobolka Banaadir ee la xiriira dhulalka iyo guryaha.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]