4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2018
Erdogan oo xarigga ka jaray Masaajid weyn oo laga dhisay Jarmalka

 

Axad, September, 30, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqashada rasmiga uu ku marayey dalka Jarmalka ku soo afmeeray xarig ka jaridda mid ka mid ah masaajidda ugu weyn qaaradda Yurub oo laga dhisay dalka Jarmalka

Wuxuuna Madaweyne Edrdogan sheegay masaajidkan laga dhisay magaalada Cologne inuu astaan u yahay nabadda, isaga oo uga mahadceliyey dowladda Jarmalka sida ay u oggolaatay inuu dhismaha msaajidka istaagin iyada oo ay socdeen mudaharaadyo looga soo horjeeday dhismaha masaajidka.

Ciidamada boolis oo tira badan ayaa laga howl geliyey xilli uu booqanayey magaalada Cologne oo ah magaala ay ku nool yihiin dad tira badan oo Turkiga u dhashay.

 

Booqashada seddexda maalmood ee uu ku joogay Jarmalka oo ahayd mid uu muran badan ka dhashay, wuxuu Erdogan khudbadihiisa si kulul ugu cambaareynayey waddanka Jarmalka uu martida u ahaa.

Dalka Jarmalka waxaa ku nool qurbajoog aad u xooggan oo ka badan 3 milyan oo qof oo u dhalatay dalka Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]