Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo xilkii laga qaaday
Axad, September, 30, 2018
(HOL) – Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige
Shabeel ayaa maanta xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga saaray.
Guddida fulinta ee xisbiga
kulmiye war-saxaafadeed ay soo saareen ayey ku cadeeyeen in shir ay yeesheen
xilkii kaga qaaday gudoomiyihii golaha dhexe.
“Markii xilkii aad hayso u
isticmaashay si khaldan oo uguna faa’iidaysatay aragtidaada shakhsi ah, hadaba
guddida fulinta ee xisbiga kulmiye markay ogaatay in marar kala duwan si toos
ah kaagala hadleen hogaanka xisbigu arrimaha aad ku kacayso, haseyeeshee aad ka
joogi wayday, iyadoo raacaysa qodobka 56aad ee xeerka xisbiga faqradihiisa
2aad,3aad iyo 4aad waxa ay ogaamiyeen in laga bilaabo taariikhda maanta laga
qaaday xilkii iyo xubinimadii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye waxa xilka
gudoomiyaha golaha dhexe si ku meelgaadh ah usii haynaya gudoomiye ku xigeenka
golaha dhexe ee xisbiga” ayaa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexan yahay
Axmed Cabdi Xuseen ku xigeenk 2aad ee xisbiga kulmiye.
Siyaasiga xilka laga qaaday
ayaa dhawr jeer oo hore dhaliilo u soo jeediyey xukuumada iyo madaxweynaha, taas
oo keentay in xil ka xayuubintan lagu sameeyo.
Jaamac Shabeel ayaa ahaa nin
hadalo cadcad oo xisbiga ka dhex muuqday,isla markaana awood badan ku dhex
lahaa, waxaanu ahaa ragga tirada yar ee waagii madaxweynuhu ahaa gudoomiyaha
xisbiga ee madaxweyne Siilaanyo is haysteen la saftay Madaxweyne Muuse Biixi
oo wakhtigaasi xukuumadii hore ee kulmiye aad isku hayn jireen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.