4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2018
Dowladda oo ka dalbatay Qaramada Midoobey in laga qaado cunaqabateynta hubka

 

Axad, September, 30, 2018 (HOL) –Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo khudbad ka horjeediyay shirka loo dhan yahay ee golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa dalbaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saran.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay baahan tahay in laga taageero la dagaalanka Kooxaha argagixisadda sida Al-shabaab iyo Daacish taasina ay ku xaran tahay in la qalabeeyo ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa dalal Soomaaliya ka mid tahay horay ugu soo rogay cunaqabateyn dhinaca hubka ah, waxaana marar badan oo hore dowladda Soomaaliya codsatay in laga qaado cunaqabateynta saran.

Wasiirka ayaa sheegay in badan oo ka mid ah xubnaha ka tirsan Al-shabaab oo ay saraakiil ku jiraan in ay qaateen cafiskii dowladda kuna soo biireen sida uu hadalka u dhigay dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in haddii laga qaado dowladda Soomaaliyeed cunaqabateynta dhinaca hubka ee saran u sahlanaan doonto si fudud looga adkaado kooxaha xagjirka ah, islamarkaana ciidamada Soomaaliya yeeshaan gacanta sare.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale ka dalbaday Mareykanka in uu si buuxda u aqoonsado Baasaboorka Soomaaliga.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa ku baaqay in uu sii socdo howlgalka midowga Africa AMISOM si dowladda looga taageero sugida amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Soomaaliya ayaa wali laheyn ciidamo xoog leh oo lagu laheyn karo amniga gudaha , waana tan keentay in wali aysan kala cadeyn waqtiga rasmiga ah ee gabi ahaanba ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]