4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2018
Cabsi awgeed qoyskaaga maka maqnaan lahayd in ka badan 20 sanno

Axad, September, 30, 2018 (HOL) – Feysal Mursal Warsame oo xubin ka ah ururka ONLF , ehelkiisa ma uusan arkin muddo 22 sannadood ah, wuxuuna ka qaxay magaalada Wardheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida sannadkii 1994-tii halkaas oo uu dagaal ka dhacay oo ay dad badan ka qaxeen Wardheer.

Feysal wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dib ula midoobo ehelkiisa kaddib sannado badan oo ay soo mareen cabsi iyo argagax ay kala kulmeen maamulkii hore, maadama uu isagu kamid ahaa jabhadda ONLF oo muddo dheer dagaal kula jiray dowladda Itoobiya.

Wuxuu sheegay in magaaladii uu ku dhashay ay ugu war dambeysay xilli uu socday dagaal, markaasina ay gubanaysay,dhaawacyo iyo maydad ay jireen balse maanta xaaladdu ay ka duwan tahay maalinkaasi.

" Maalintii aan ka baxayay magaalada Wardheer waxay ahayd maalin dagaal socday, dagaalkii Wardheer ee 1994-kii dhacay ee caanka ahaa ayay ahayd, magaalada qaar way gubanaysay dhaawac iyo mayd wax walbana way yaalleen, qaybo kamid ah magaaladana waa laga qaxayay, maanta marka aan kusoo noqday magaalada nabadgelyo ayay ahayd" ayuu yiri Feysal Mursal.

Wuxuuna sheegay in muddo dheer ay sugayeen isbaddallada haatan ka curtay Itoobiya oo isaga iyo dad kaleba u horseeday inay dib ugu laabtaaan deegaannadii ay kasoo jeedeen.

Feysal wuxuu sheegay in cabsi ay lasoo deristay qoyskiisa oo ku noola Wardheer intii uu ku noola Mareykanka.

" Telefoonka runtii cabsi buu ahaa,marar badan marka aad waalidka lasoo hadasho waxay noqonaysay inay telefoonka ay iska jaraan si aanan loo maqlin iyagoo ku hadlaya codkooda, argagax iyo dhibaato badan oo waddankan ka dhacay oo aan lasoo koobi Karin ayay kamid ahayd" ayuu yiri Feysal Warsame oo u warramay weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheek Maxamed Xikam.

Feysal oo dib ula midoobay qoyskiisa
Feysal oo dib ula midoobay qoyskiisa

Wuxuu sheegay inuu xubin buuxo weli ka yahay ururka ONLF isla markaasna halgankoodii uu miro dhalay ayna gaareen guushii ay raadinayeen.

" Hadda xubin ayaan ka ahay ururka , runtii awoodda ugu badan ururka waa xubinnimada iyo shirweynaha….. marka aad ayaan ugu faraxsanahay mabda'nnagii iyo halgankii , maanta guul buu ku sugan yahay, wixii loo soo halgamayay waxaad moodda in waddadii cagta la saaray hadda"

Faaduumo oo kamid ah qoyska ayaa sheegtay in Feysal dartiis loo dhibaateeyay ayna la kulmeen tacaddiyo.

"Guriga ayaa nagala saari jiray, waana nala dhibaatayn jiray afar iyo labaatanka saac…waana nala xirxiri jiray"

Sida ay sheegayaan qaar kamid ah qoyskiisa, waxaa gacan bir lagula dhaqmi jiray dadka tageeri jiray jabhadda ONLF.

Hadda waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin nolosha xorta ah iyo isbaddalada ku timid Dowlad Deegaanka Soomaalida taaso saamayn waanagsan ku yeelatay noloshooda.

Ururka ONLF ayaa kamid ah ururrada gogosha nabadeed ay u fidisay dowladda Itoobiya, xubno ka tirsanaa ururadii hubaysnaa ee kasoo horjeeday xukuumadda ayaa dib ugu soo laabtay Itoobiya kaddib markii cafis loo fidiyay.

Xigasho: BBC