4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Yuusuf Daba-geed oo loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan

 

Sabti, September, 22, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxmed Cabdi Waare ayaa xilka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar [ Yuusuf Daba-geed]

Wareegto uu ku saxiixan yahay madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in xilkii guddoomiyaha gobolka laga qaaday Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow.

Yuusuf Daba-geed ayaa noqonaya mas’uulkii ugu badnaa marar is xig xigta guddoomiye ka soo noqda gobolka, sidoo kalana waxaa uu horay wasiir uga soo noqday isla maamulka Hirshabeelle.

Ka hor inta aysan magacaabistiisan soo bixin waxaa siweyn looga hadal hayay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan, taasoo muujineysa goor hore-ba la sii ogaa is badalkan dhacay.

C/llaahi Axmed Maalin ayaa xilkan hayay muddo shan bilood ah, iyadoo bishii April loo magacaabay, taasoo magacaabisteeda muran ka dhashay, kaddib markii xil ka qaadista uu diiday Cali Jeyte Cusmaan Guddoomiyihii ka horeeyay.

Akhriso wareegtada ka soo baxday madaxweyne Waare :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]