4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Xeerka Kufsiga oo Somaliland muran ka dhex dhaliyey

 

Sabti, September, 22, 2018 (HOL)- Somaliland waxa muran ka dhex abuuray xeerka kufsiga oo golaha Wakiiladu ansixiyeen, madaxweynuhuna dhaqangaliyey, taas oo keentay in qaybaha kala duwan ee bulshadda si weyn uga qayliyaan.

Xeerkan muranka dhaliyey ayaa dadka diidan ku doodayaan inuu ka hor imanayo shareecada islaamka, isla markaana laga soo minguuriyey dalalka Reer Yurub, waxaana madaxweynaha loogu baaqay inuu xeerkaasi dib loogu celiyo golaha Wakiiladda.

Wasiirka Diinta iyo aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi ayaaa sheegay inuu madaxweynuhu dib uga fiirsanayo xeerkaasi,isla markaana qiimeyn lagu samayn doonno xeerkaasi.

Culimadda ayaa shalay jimcihii masaajidadka kaga hadlay xeerkan oo ay ku tilmaameen mid shareecada islaamka ka hor imanaya, waxaanay ku doodeen in shareecada la waajiyo xeerkan.

Xeerkan ayaa ahmiyada saaraya qofkii xoog lagu kufsado, taas oo dadka qaar u arkaan inuu sinaddii fasaxayo mar haddii labada qof is ogol yihiin caadi ka dhigayo, halka labada qof ee aan is ogolayn ee mid qasbo uun dambi ka dhigayo xeerku.

Xeerkan waxa dabada ka riixaya ururada haweenka, waxaana hore uga hor yimid golaha Guurtidda oo isagu wax ka bedel ku sameeyey, isla markaana dib ugu celiyey golaha Wakiilada inuu soo waafajiyo shareecada, haseyeeshee golaha wakiiladdu markiiba uu u gudbiyey madaxweynaha taas oo keentay inuu madaxweynuhu wareegto ku soo saaro dhaqangalka xeerkan.

Golaha Guurtida ayaa qaranka u qaabilsan arrimaha diinta, dhaqanka iyo nabadgalyada, waxaanay sheegeen ka qayliyeen xeerkaasi loo tahriibiey madaxtooyadda ee iyaga mar labaadkii la soo marin waayey si ay u hubiyaan in wax laga bedelay iyo in kale, maadaama oo markii hore intay wax ka bedel ku sameeyeen dib ugu celiyey golaha Wakiilada si ay u taageeraan wax ka bedelkaasi lagu samayey.

Dadweynuhu waxay badankooda dhaliilayaan golaha Wakiiladda oo xeerkan ka soo gudbay, taas oo ahayd inay waafajiyaan shareecada islaanka iyo dhaqanka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.