3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Mahdi Guuleed " Waxaan qorsheynay kulanka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi"

Sabti, September, 22, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  wuxuu markii ugu horreeysay sheegay dowladda Federaalka inay qorsheysay kulan fool ka fool ah oo ay  yeeshaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

" Wada-hadalladii Soomaaliland iyo dowladda federaalka oo wajiyo badan yeeshan si fiican noogu qabsoomay, waxaa naga go'an haddii aan nahay dowladda federaalka inan dardargalino inan dib uga shaqeyno." ayuu yiri ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo inta ku daray " Ku talagal ayaa jiray bishii March in madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi isku yimaadan oo dhiig cusub la galiyo wadahadalka, jadwal cusub loo sameeyo qorshe uu ka dhasho, way naga go'antahay wada-hadalada mar walba inay qabsoomaan."

Dowladda federaalka ayuu sheegay in wada-hadallada ay dardar cusub galin doonto oo ay ka shaqeyn doonan sidii dhaqso wada-hadallada ay dib ugu billaaban lahaayeen.

"Hamiga ugu weyn ee dowladda federaalka waa in madaxweyne Farmaajo ka dego magaalada Hargeysa ,sidii Abiy Axmed uu uga degay Asmara .. mar alla marka ay suragal tahay walaalaheena reer Soomaaliland ,Hargeysa iyo Muuse Biixi ay u furanyihiin in madaxweyne Farmaajo uu Hargeyso ka dego oo walaalaha Soomaaliyeed ee reer Hargeysa la fadhisto oo u la sheekeysto Muuse Biixi uu la sheekeysto salaadiinta caanka ah ee reer Hargeysa."

"Waxaa kalo albaabka uu mar walba u furanyahay madaxweyne Muuse Biixi inuu Muqdisho yimaado markuu doonana ka soo dego, annaga dhankeena waa diyaar ,haddii berri ka maalin ay suurtowdo  in walaalaheena reer Hargeysa madaxweyne Farmaajo ay martigaliyaan ogalaadana inuu yimaado diyaar ayaan u nahay inan Hargeyso ka degno." ayuu raaciyay hadalkiisa ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya sida uu ku sheegay hadal kooban oo ay baahisay idaacadda maxalliga ah ee Dalsan.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya wuxuu warkan sheegay xilli dhowr mar oo hore ay Soomaaliland ku eedeysay dowladda federaalka inaysan daacad ka ahayn wada-hadallada oo aan wax natiijo ah laga gaarin illaa hadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/22/2018 4:46 PM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxmed Cabdi Waare ayaa xilka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar [ Yuusuf Daba-geed]

9/22/2018 1:14 PM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) –Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax lagu soo xiray gaari oo galabta ka dhacay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

9/22/2018 10:28 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) –Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho sida ay goob-joogayaal u sheegeen Hiiraan Online,

9/22/2018 9:56 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan oo dalka dib ugu soo laabtay, tan iyo horaantii bishii August oo uu dalka ka maqnaa.

9/22/2018 8:29 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)- Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in tiro dad ah oo la tuhusan yahay loo qab qabtay dilka wiil yar oo shan sano jir ahaa, kaa oo meydkiisa laga helay magaalada Muqdisho.

9/22/2018 7:57 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)- Somaliland waxa muran ka dhex abuuray xeerka kufsiga oo golaha Wakiiladu ansixiyeen, madaxweynuhuna dhaqangaliyey, taas oo keentay in qaybaha kala duwan ee bulshadda si weyn uga qayliyaan.

9/22/2018 6:49 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ku riday Mahad Xusseen Siidoow oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo horaantii bishan toogasho ku dilay gudaha magaalada Beledweyne marxuum Yaasiin Cali Saney oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

9/22/2018 4:41 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)–Inta badan shaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaan wax mushahaar ah ma qaadanin labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay BBC-da u xaqjiyeen mas'uul sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo shaqaale aan mushaar qaadaninba.

9/22/2018 12:25 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad ayaa u ambabaxay magaalada New York,isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

9/22/2018 12:17 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhacdadii ay dadka badan ku dhinteen ee dalka Tanzania, ayaa ka tacsiyeeysay dhimashada Doontii degtay.