Sabti, September,
22, 2018 (HOL) -Inta badan shaqaalaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaan wax
mushahaar ah ma qaadanin labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay BBC-da u
xaqjiyeen mas'uul sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo shaqaale aan
mushaar qaadaninba.
Shaqaalaha magaalada Jigjiga ayaa iyagu qaatay
mushaar hal bil ah, wararkuna waxay sheegayaan in bil kale ay wali ka maqan tahay.
Daganaansho la'aantii siyaasadeed iyo isbaddalkii
baaxadda lahaa ee ka dhacay Jigjiga ayaa horseeday in ay hawlgab inta badan
wasaaradihii iyo adeegyadii ay bixin jireen.
Mushahaar la'aanta ayaa saamayn baaxad leh ku
yeelatay shaqaale hoosaadka’"Waxaan ahay aabo dhalay toddobo carruur ah,
mushaar ma qaadanin labo bilood, maciishaddii way qaaliyowday, labo ciidood
ayaa na soo maray, marka nolosha ayaan la daalaa dhacaynaa" ayuu yiri
Cabdiraxman Axmed oo Caamir ku magac dheer oo bare ka ah magaalada Shaygoosh ee
gobolka Qoraxay.
Wasaaradda waxbarashada ayaa labada bilood ee ugu
dambeeya sannadka dalka Itoobiya macallimiinta siisa waxbarasho bilaash oo ay
bixiyaan koleejyada iyo jaamacadaha Itoobiya si sare loogu qaado aqoontooda.
Sidaas daraadeed macallimiinta gobollada ayay
mushaar la'aantu saamaynta ugu badan ku yeelatay, sababtuna waxay tahay in
dhammaantood waxbarasho loo geeyay meel ka baxsan goobihii ay ka shaqaynayeen.
"Soomaalidu waa dad iska firfircoon oo
badankood way soo laabteen nin ehelkiisu ay gacan qabteen iyo mid si kale ku
yimaadaba, haddase waxaa adag sidii loo hawlgalin lahaa maadaama ay qatan
yihiin, ayuu yiri macalin Caamir.
Waxaa jira warar aad loo hadal hayo oo sheegaya
in mushahaar la siiyay macallimiintii aan Soomaalida ahayn ee deegaanka ka
shaqaynayay, balse BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto.
Waxaa hadda la joogaa xilligii iskuulladu ay dib
u furmayeen waxaana laga cabsi qabaa in mushaar la'aantu ay saamayso
waxbrashada sannad dugsiyeedka dalka Itoobiya ee 2011 oo hadda uun billawday,
ayadoo haddii aan mushaar loo helin macallimiinta laga cabsi qabo inay
iskuullada tegi waayaan.
"Waxaan ogahay macallin guryaha dhisa si uu
nolol maalmeed uga raadsado" ayuu Caamir intaas ku sii daray.
"In shaa Allaah waxaan rajaynaynaa in
xukuummadu ay soo dadajiso xalka" ayuu yiri caamir oo ka garawsan baaxadda
uu lahaa isbadalka deegaanka ka dhacay iyo culayska xukuumadda cusub haysta.
Xigasho/BBC