4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Beledweyne : Dil lagu xukumay askari toogasho ku dilay darawal Mooto Bajaaj

 

Sabti, September, 22, 2018 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ku riday Mahad Xusseen Siidoow oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo  horaantii bishan toogasho ku dilay gudaha magaalada Beledweyne marxuum Yaasiin Cali Saney oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee dowladda Soomaaliya G/Sare Cali Nuur Shuute oo u tagay magaalada Beledweyne kiiska arintan ku saabsan ayaa ku dhawaaqay xukunka toogashada ah.

Maxkamadeynta askariga iyo doodda ku saabsan dacwada oo maalmihii ugu danbeeyay-ba ka soctay magaalada Beledweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa ehelada labada dhanac, waxaana ay ugu danbeyntii maxkamadu riday xukun dil ah oo ah qisaasta marxuumka dhintay.

 

Dilka Yaasiin Cali Saney ayaa sababay iska horimaad ay ku dhinteen ugu yaraan saddex ruux, kaddib markii ay weerar ku qaadeen saldhigga magaaalada Beledweyne oo uu ku xirnaa askariga maleeshiyaad ay ku heyb ahaa marxuumka la dilay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]