4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay dhacdadii Tanzania

 

Sabti, September, 22, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhacdadii ay dadka badan ku dhinteen ee dalka Tanzania, ayaa ka tacsiyeeysay dhimashada Doontii degtay.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidan u dhignaa :

amhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania kadib markii doonida magaceedu yahay MV Nyerere ku degtay harada Victoria shalay oo khamiis ahayd, kuna beegnayd (20 September), iyadoo siday boqolaal rakaab ah, waxaana ku geeriyooday dad ka badan 100 ruux, halka kuwa kale la la’yahay.

”Fekerkayaga iyo garab-galkeena waa mid la socda qoysaska iyo shakhsiyaadka dhacdadan naxdinta leh ay ku yeelatay saameyn”

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si hubaal leh u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Tanzania waqtigan adag ee xaaladda la soo gudboonaatay

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]