4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Prof Yaxye Sheekh Caamir oo ka badbaaday qarax la doonayay lagu dilo

 

Sabti, September, 22, 2018 (HOL) –Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax lagu soo xiray gaari oo galabta ka dhacay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa la sheegay in uu lahaa Prof Yaxye Sheekh Caamir Ibraahim oo laakiin aan la socon xiligaa gaariga, hasse ahatee waxaa la sheegay in uu ka nafwaayay nin ay walaalo ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Cumar Caamir.

Prof Yaxye ayaa yiri’’Waxaa qaraxa lagu xirey baabuurkeygii weliba kursigii aan fadhiyay marka uu gaarigu qarxayna waa uu ii soo socday waxaana waday walaalkey oo halkii uu igu dejiyay iigu imanayay.”

Lama oga sababta loo bartilmaameedsaday gaariga Prof Yaxye oo ah aqoonyahan bartay cilmiga dhaqaalaha, islamarkaana ah macalin ka shaqeeyay qaar ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho.

Muqdisho ayaa u muuqata mid wajaheysa amaan darro waxaana maalmihi ugu danbeeyay dhacayay falal dilal iyo qaraxyo isugu jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]