4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Wasiirka arrimaha dibadda oo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ka jeedinaya khudbadii madaxweyne Farmaajo
Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad , Sawir hore
Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad , Sawir hore


Sabti, September, 22, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad ayaa u ambabaxay magaalada New York,isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Sanadkii hore ayaa sidan oo kale waxaa khudbadda madaxweynaha ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Ma cadda wali waxyaabaha qasbaya inuusan madaxweyne Farmaajo tagin fadhiga guud ee Qaramada Midoobay oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya oo wali ku tiirsan taageerrada beesha caalamka oo Qaramada Midoobay ay ka mid tahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]