Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta &
Teknolojiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood
oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is
dhaafsanayeen qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada
dalka.
Carwadan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 60
shirkad, jaamacad, iyo hay’ado dawladeed oo ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta
iyo Teknoolojiyada wuxuu ujeedkeedu ahaa inay fursad u helaan ay isku bartaan
dhexdooda, isla markaana ay dadweynaha ku baraan waxa ay qabtaan.
Kumannaan dhallinyaro u badan oo carwada ka soo
qeybgalay ayaa fursad u helay inay la kulmaan madaxda shirkadaha iyo
jaamacadaha iyo mas’uuliyiinta dawladda ee xiriirka la leh arrimaha
Teknoolojiyada.
Waxaa si gaar ah dhallinyarada u soo jiitay qalab
lacag la’aan ah oo lagu guuleysanayay intii ay carwadu socotay oo ay bixinayeen
inta badan shirkadaha ka soo qeyb galay, iyadoo ay xusid mudan tahay in
jaamacadaha Plasma iyo Horseed iyo Machadka Isgaarsiinta Qaranku ay ku deeqeen
15 deeq waxbarasho oo la siinayay dhallinyarada, halka qabanqaabiyeyaasha
carwada ay bixiyeen laptop cusub.
Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay la daah
furay cinwaanka (.me.so) oo loogu talo galay shakhsiyaadka, kaas oo si lacag
la’aan ah ay ku guuleysteen dhallinyaro qorayaal ah si loogu dhiirrigeliyo inay
wax qoraan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo
xafladda xiritaanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ula dhacay tayada adeegyada
iyo fikradaha la soo bandhigay.
“Anaga dawlad ahaan waxaa nalaga doonayaa inaan
abuurno jawi saamaxaya in dhallinyarada hal-abuurka leh ay ku aasaasaan fikrado
shaqo-abuur u sameynaya naftooda iyo saaxiibadood,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Md Eng. Cabdi Cashuur, Wasiirka Boostada,
Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, oo soo xiray carwada ayaa sheegay in
carwadani ay muujisay awoodda, kala-duwanaanshaha iyo xiisaha bahda
isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada sida ay u dhan yihiin.
“Waxaan aragnay in carwadani ay bari-taareyso
horumarka isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka maadaama ay siisay fursad lagu
arko waxqabadkooda, Hadduu Alle idmo waxaan sii wadi doonnaa inaan abuurno
fursado kale oo lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu
hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]